Geerar -Dharbaaxada Sokeeyaha;
Munira: edited by A.Risak
Dhaawaca sokeeyuhu,
Dhengad iyo ka kulul dhamac.
waa dhuug iyo Gofane iyo,
Injir dhiigga kaa jaqi,
dhib yaraan daris-kunooluhu
Waa dhudhunkiyo lixaadkiyo
Meel bannaan wax ku dhaggan,
Dhiidhi marka aad bariiqada
dhib iyo hoog dhex jiifteed,
Dhunkaal, dhadhamiso waabay
dhiirri-galin iyo hiil walaal,
dhalasho kaad u baaqdana,
Dhoolla-kaqoslkiyo wiirsiga,
Bayraq-dheeliyo dhaantada
ma dhurwaa raq helaybaa!
Markaad dhisto maankee
dhakhtariseed dhaydo boogaha ,
Dhabankaagu iftiin iyo,
hillaac uu dhalaaleed,
kor u dhaafto qayrkaa,
Isna aad dhadhaab iyo
Dhismo adag ku xannibteed
Ka istaagto meel dheer
Kuma dhaafo dhagar qabe,
illeen waa dad-qalad dhabahee, magacaaguu dhag-xumo iyo,
dhibaataba la raadshaa.
Dharbaaxada sokeeyaha
Kugu dhowra waayaha
Illeen Dhagax, rasaas iyo
Dhuunta toorri kaa gashay
Kaba daran dhimbilo dab ah.
Naftaydaay ha dholondholin
Dheelallow ma fiicnee
Ha ka dhumin, dhabbaha qaad
Ha ku dhicin war-xuma gee
Hogga Dheere uu qoday
Dheeshu waa galin damboo
Adaa dhaliyay goolkee
Dhab u hano guusha dhab